❝Ummad kastaa waxay leedahay taariikh ka kooban dhacdooyin samaan iyo xumaan isugu jiraa. Sidaa awgeed, waxa uu qoraagu buuggan ku soo bandhigayaa waxa keena in qarannino Soomaaliyeed curato ama meesha ka baxdo. Wuxuu kaloo sharraxaad ka bixinayaa sidiu Soomaalidu u baran karaan sida jiritaan qaran oo la yeesho guul loo gaari lahaa, iyagoo dib u milicsanaya gefafkii taariikheed ee ay galeen. Guud ahaan, buuggu wuxuu soo bandhigayaa aqoon falsafadeed oo kobcin karta garaadka ummaddeenna kuna qalabayn kara xeel-dheerinimo fikradeed oo naga caawin karta xallinta mushkiladaheenna taariikheed. Qoraagu wuxuu ku dabbaqayaa falanqaynta buugga sida falsafadda iyo sayniska ku saleysan xigmaddu u kobcin karaan aqoonta. In kasta oo xiriirka ka dhexeeya xaqiiqada iyo aqoonta uu yahay in aqoontu nagu caawini karto in la baaro dhacdada, si loo helo isbeddel, loona hagaajiyo nolosha dhabta ah, haddana ma aha oo keli ah in aqoontu waaqica daba socoto. Taasina waa farqiga u dhexeeya aqoonta marka uu caqli la socdo iyo marka uu ka maqanyahay. Buuggu waa aasaas aqooneed oo ku salaysan falanqeynta aragtida sida ay Soomaalida u xallin karto dhibaatada ka haysata qarannimada.❞ - PROF. DR. CABDISALAAM M. CIISE-SALWEQoraa iyo Baresare. ❝Siyaasaddu waa aqoon la barto, sidoo kalena waxaa hubaal ah in ay jiraan dad u dhashay aqoonta iyo fikirka siyaasadda. Balse tan uu si qotodheer, khibrad, iyo daraasaad dheer ka muuqato u soo bandhigay Nuurudiin Askar waa mid aan hore looga daraaseyn dhinaca bulshada Soomaaliyeed.❞ - PROF. DR. CABDIRAXMAAN CABDULAAHI ""BAADIYOW""Qoraa, Siyaasi, iyo Baresare