ONLY $9.90 DELIVERY INFO

Close Notification

Your cart does not contain any items

Qoristii Farta iyo Fidinteedii

Cabdiraxmaan M Abtidoon

$35.95   $30.60

Paperback

Not in-store but you can order this
How long will it take?

QTY:

Somali
Looh Press
18 August 2025
AFKA SOOMAALIGU muddo dheer ma lahayn far qoran oo mideysan, taasi waxay sababtay in taariikh badan, suugaan iyo aqoon qiimo leh ay lumaan ama si adag ku kaydsanaadaan. Qarnigii siddeed iyo tobnaad ayaa culimadii Soomaaliyeed bilaabeen dadaal xooggan oo lagu doonayey in afka loo helo hab qoraal rasmi ah. Isku dayadii ugu horreeyay waxay badankood ku salaysnaayeen farta Carabiga, maadaama ay ahayd far ay culimadu si wanaagsan u yaqaannaan oo ku qornayd Qur'aanka iyo culuumta Islaamka.

Sheekh Ibraahim Cabdalla Mayal iyo ardaygiisii Maxamed Cabdi Makaahiil ayaa kamid ahaa dadkii ugu horreeyay ee isku dayay in ay afka ku qoraan xuruuf Carabi ah, taas oo horseeday in buugag yar oo maahmaahyo iyo gabayo ahi soo baxaan horraantii qarnigii 20aad. Sidoo kale culimo waaweyn sida Sheekh Aweys Al-Barawi iyo Sayid Maxamed Cabdulle Xasan ayaa gabayadoodii iyo qasiidadoodii ku qoray farta Carabiga. Hase yeeshee, isku dayadani mar walba way kala duwanaayeen, mana jirin hal nidaam oo mideysan oo bulshada oo dhan qaadato.

Dadaalkaasi wuxuu ahaa bilow muhiim ah oo muujinaya baraarugga Soomaalida iyo rabitaankooda ah in afkoodu yeesho qoraal rasmi ah. Inkasta oo farahaasi carbeed ay ahaayeen kuwo la isku dayo, haddana waxay abuureen saldhig cilmiyeed iyo rajo ah in afka la qori karo, laguna keydin karo aqoonta iyo dhaqanka. Waxaa la odhan karaa isku dayadaasi waxay dhidib u aas u noqdeen dadaalladii dambe ee keenay in la abuuro faro kale sida Far Cismaaniya, Far Kaddare, iyo ugu dambayn Farta Laatiinka ee la hirgeliyey 1972.

Bilowgii qoraalka Soomaaliga sidaas ayuu ahaa, safar dheer oo aqoonyahanno badan iyo culimo Soomaaliyeed ay ku hureen dadaal iyo waqti, si afka Soomaaliyeed u yeesho astaan qoran oo taariikhda iyo aqoonta lagu xafido. Markii fartii la qoray waxaa loo gudbay xirgelinteedii, taasoo markii hore dugsiyadii waxbarasho ee dalka lagu soo rogay in Soomaali wax lagu barto, waxaana xigay ololayaal waaweyn oo ka bilowday magaalooyinka oo ciidamadii iyo shaqaalihii dawladda lagu barayey. Sannadihii 1974 iyo 75kii waxaa dalka ka qabsoomay ololihii ugu weynaa abid ee dalka laga hirgeliyo. Farta Soomaaligu sidaa ayey muddo aad u kooban waxay ku noqtay mid hana qaadda meel sarana gaarta.

Buuggan wuxuu akhristaha marsiinayaa una dul marayaa safar dheer oo qaatay boqol sano, guulna ku dhamaaday. Buuggu wuxuu waxtar weyn u leeyahay ciddii dooneysa in ay cilmibaaris ku sameyso qoraalka farta Soomaaliga xilliyadii uu soo maray iyo guud ahaan qof walba oo doonaya in ay wax ka ogaadaan.
By:  
Imprint:   Looh Press
Dimensions:   Height: 229mm,  Width: 152mm,  Spine: 10mm
Weight:   227g
ISBN:   9781912411795
ISBN 10:   1912411792
Pages:   164
Publication Date:  
Audience:   General/trade ,  ELT Advanced
Format:   Paperback
Publisher's Status:   Active

CABDIRAXMAAN MAXAMED ABTIDOON waa qoraa, barre, iyo cilmibaare afka, dhaqanka, iyo sooyaalka Soomaalida. Wuxuu horay u qoray dhowr buug oo kala ah kuwo waxbarasho iyo sheekooyin, waxaana ka mid ahaa: Impariamo il Somali-aan baranno Talyaani (1997); Qoraal Akhriska far Soomaaliga: Buugga 1aad (AMA Books, 2008); Qoraal Akhriska far Soomaaliga: Buugga 2aad (AMA Books, 2009); Qoraal Akhriska far Soomaaliga: Buugga 3 aad (AMA Books, 2011); Wadajir Baa Awood Leh (Galool, 2017); Baxaar Boqorkii Webiga (Galool, 2019); 1969 (Looh Press, 2020); Qoristii Farta iyo Fidinteedii (Looh Press, 2025). Cabdiraxmaan hadda wuxuu ku nool yahay waddanka Ingiriiska.

See Also