❝Waxaa nasiibwanaag ii ahayd in aan akhriyo buugga dhaxalglka ah oo uu qoray aqoonyahan Ciise Xaaji Xusseen. Buugga Aqaldoog waxaa lagu soo bandhigay aqoon iyo duruus ficil ah oo aay la socdaan muuqaallo si sahal ah loo garan karo loona adeegsankaro. Qoraagu wuxuu xirfaddiisii uu kabartay dalalka Talyaaniga iyo Sweden oo ah hab casri ah oo loo beerto dalagyada iyadoo la adeegsan karo farsamadaan xilli kasta, si loo helo waxsoosaar tayo leh, iyadoo la tashiilayo biyaha la iskuna dheellitirayo cimilada, isla markaana laga hortagayo cayayaanka talfiya dalagyada. Buugaani waa macallin baraya beeralayda ama cid kasta oo danaynaysa in ay ka faa'idaysato farsamadaan cusub ee Aqaldoogga. Waa i tus oo i taabsii lagu soo bandhigay afkeenna soona kordhiyey hab adduunka horumaray ka hirgalay hase ahaatee dalkeenna aan laga aqoon. Marka buugaani uu gaaro Soomaalida, waxaan shaki lahayn in uu keenayo isbeddel ku dhaca waxsoosaarka dalagyada beeraheenna iyadoo la adeegsanayo lana hirgalinayo qaababka iyo muuqaallada buuggaan ku qoran.❞ - Cabdullahi Sh. Xusseen (Hantiwadaag)Qoraa, Aqoon yahan